Guddoomiye Yabooh oo soo xiray imtixaanka fasalka 8-aad + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Inka badan 35,307 Arday oo dhiganeysay fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ayaa si rasmi ah ugu soo xirmay Imtixaanka shahaadiga ah ee dalka,kuwaas oo ka kala tirsana 656 School oo gobolka Banaadir ah.

 

ku-simaha Guddoomiyaha,ahna Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa si wadajir ah u soo xiray qaadista imtaxanaadka fasalka 8-aad ee Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Ardayda sannadkaan loo soo xiray Imtixaanka shahaadiga ah ayaa waxaa ay kala yihiin 19,766 Wiil iyo 15,541 Gabdhood sida u sheegay agaasimaha guud ee agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Nuur isagoo intaas raaciyay in Ardayda loo soo xiray imtixaanka ay ka  mid yihiin arday Baahiyaha gaarka ah qaba,kuwaas oo si guud uga qeyb galay imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiyada,waana sanadkii 5-aad oo uu Maamulka Gobolka Banaadir qaadayo imtixaankaan.
       

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here