Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka, isagoo ay wehliyaan
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde
Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd in guddiyada dib-u-eegista dastuurka ay guddoonka labada Aqal ku wareejiyaan soojeedimaha wax-ka-beddelka ee cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka, iyo sidoo kale shintiriska ama jadwaleynta doodaha ku saabsan soojeedimahaasi.
Kulankani ayaa ah mid xoojinaya habka sharci dejinta iyo ka qaybgalka baarlamaanka ee dib-u-eegista dastuurka, si loo xaqiijiyo in isbeddelada lagu sameynayo dastuurka ay ka turjumayaan rabitaanka shacabka iyo danaha qaranka.








