Guddoonka BF oo mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabto Villa Hargeysa

0

MUQDISHO (SMN) – Qoraal kasoo baxay xafiisla guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa lagu mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo bannaanka xarunta Baarlamaanka.

 

Amarkan xayiraadda ah ayaa waxaa si toos ah loola socod siiyay warbaahinta, gaar ahaan Wariyeyaasha tega xarunta Villa Hargeysa.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa tallaabadan, balse waxaa lala xiriirinayaa xakameynta doodaha xasaasiga ah ee ka dhasha shirarka jaraa”id ee ay badanaa xildhibaanada mucaaradka ku qabtaan bannaanka xarunta Golaha Shacabka.

Dhowaan ayaa waxaa caro xoogan ay ka dhalatay shir jaraa’id oo ay qabteen xildhibaanada kasoo jeedo Koonfur Galbeed oo taageero loogu muujiyay Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here