Guddoonka BF Soomaaliya oo tallaabo culus ka qaaday xildhibaan Xasan Yare

0

MUQDISHO (SMN) – Warqad kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu sheegay in laba bilood oo xiriir ah laga joojiyay fadhiyadda Golaha Shacabka Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo fal gacan qaad ah 27-kii Bishii November u geystay Askari ka tirsan ilaalada xarunta Golaha Shacabka.

 

Sidoo kalena waxaa ganaaxyo isugu jira jeris gunno iyo ka joojin fadhiyada Golaha lagu riday Xildhibaano lagu soo eedeeyay sida warqadda ku xusan is horistaagid Guntanka ama kooramka Golaha iyo ka hor imaansho Xeerhoosaadka Golaha Shacabka.

Dhanka kale, guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud Xildhibaanadda Golaha Shacabka ku bogaadiyay howlaha ay Qaranka u hayaan isaga oo kula dardaarmay ilaalinta iyo dhowrista nidaamka iyo sidoo kale habsami u socodka Golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here