GAROWE [SMN] – Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa ka hadlay dagaalka Cal-Miskaad ee u dhaxeeya Ciidamada maamulka Puntland iyo Ururka Daacish.
Gudoomiyaha ayaa bogaadiyay guulaha Ciidamada Puntland ay ka gaareen dagaalka kadib markii ay Daacish ka saareen inta badan dhulka buuralayda CalMiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Imaaraadka duqeymo ka geysteen.
Guddoomiyaha wuxuu sheegay inuu booqday jiidaha hore ee dagaalka, islamarkaana uu kusoo arkay Ciidan horumar ka sameynayan howlgalka, kuwaasoo u heelan inay ka adkaadaan Daacish, wuxuuna ugu baaqey shacabka Puntland inay u midoobaan dagaalka oo ay taageeraan askartooda.
Dhanka kale, Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa digniin u diray cidkasta oo lagu helo inay la shaqayso kooxda Daacish oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay dagaal kulul kula galeeb Ciidamada Puntland deegaanada ku hareersan toga Jacayl ee buuraleeyda Cal-miskaad.
“Tuulo walba iyo degma walba waa inay diyaar garawdaa oo ciidamada la soo xiriiraan haddii ay arkaan cid ay ka shakiyaan, qof firxad ah inuu gobolada kale u soo gudbo oo lasoo dhaweysto ma soconayso, qofkii Hotelkiisa qof Daacish ah soo gashada isaga ayaa talaabo laga qaadayaa”, Sidaasi waxaa yiri guddoomiye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir.
Askar badan iyo Saraakiil kala duwan ayaa Puntland uga dhintay dagaalka Daacish, iyadoo qaar kale ay ku dhaawaceen. AFRICOM ayaa 1-dii bishan duqeysay Cal-miskaad, halkaasoo lagu dilay 14 xubnood oo uu ku jiray hogaamiye qaabilsanaa qorsheynta weerarada Mareykanka iyo Yurub.
Puntland ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay siyaasadeysay dagaalka Daacish, islamarkaana aysan ka helin taageeradii ay uga baahnayd si ugu guulaysato howlgalka militeri ee buuraha gobolka Bari.