MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Midowga Afrika, mudane Maxamuud Cali Yuusuf.
Guddoomiyaha Midowga Afrika mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo la doortay bilowgii February 2025 ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ku yimid Muqdisho waxaana uu kulamo muhiim ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre kuwaas oo ka wada hadli doona arrimo muhiim u ah Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.
Madaxweynaha ayaa ku maqan gobolka Shabeellaha Dhexe, oo u tagey inuu dardar-geliyo dagaalka dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab, oo hadda sii xoogeystay.
Waxaa la filayaa inuu Xasan Sheekh Muqdisho yimaado Maanta oo Axad ah si uu ula kulmo wafdiga Midowga Afrika.
Maxamuud Cali Yuusuf oo bishii hore ku guuleystay xilka doorashadii ka dhacday Addis Ababa oo uga adkaadey Raila Odinga ayaa horey u noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti, oo kamid ah kuwa ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika.