MUQDISHO [SMN] – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi isugu jiray madaxda ugu sareysa Hay’addaha SOS Germany iyo SOS Soomaaliya.
Kulankaan ayaa looga hadlay xaaladdaha Banii’aadannimo ee dalka, iyadoo sidoo kale lagu falanqeeyay saameynta ay yeelatay hoos u dhaca ku yimid deeqaha gargaar ee looga jawaabi jiray arrimaha Banii’aadanimo ee dalka.
Hay’addaha SOS Soomaaliya iyo SOS Germany waxay sheegeen iney ka go’an tahay in wixii kaaraankooda ah ay kordhin doonaan, sarana ay u qaadi doonaan teegeerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku barakacay colaadaha iyo abaaraha ka jira qeybo ka mid ah gobolka dalka.
