Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka oo Ka Hadlay Urur Siyaasadeedyo Dowladda Federaalka la Kulantay

0

Muqdisho – Gudoomiyaha Xisbiga Shacabka, Mudane Abdiraxman Sulayman, ayaa waraysi gaar ah siiyay Telefishanka Shabelle, isagoo ka hadlay urur siyaasadeedyo ay shalay Dowladda Federaalka Soomaaliya la kulantay.

 

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in ururadaas ay yihiin kuwa ay dhistay dowladda oo malxiis u ah Xisbiga Madaxweynaha JSP, kaasoo raba inuu kaligiisa ku guuleysto doorashooyinka.

Sidoo kale, wuxuu xusay in ururadaas ay matalaan dowladda federaalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in aanay jirin wax xisbi ama urur siyaasadeed madax-banaan oo kulanka ka qeybgalay shirkii shalay.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in ururradaas aysan ahayn kuwa sax ah, taasoo muujinaysa damaca Villa Somalia inay ku shubato codadka doorashadda 2026, oo hanaanka hadda loo qaabeeyay ay mucaaradka diideen.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli khilaaf xooggan uu ka taagan Soomaaliya, iyadoo sanad ka yar u harsan yahay waqtiga dowlada hadda talada haysa oo Xasan Sheekh Madaxweynaha ka yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here