GAALKACYO, Juun 11, 2025 – Hadal-heyn xoog leh ayaa ka dhalatay xarigga odayaal dhaqameed ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Sheekh Cali (Jifi-jabsade), ayaa warbaahinta u sheegay in xarigga odayaashaasi uu salka ku hayo heshiis hore oo dhex maray labada ehel ee ku lugta lahaa dil dhacay 19 sano ka hor, kaasoo uu geystay qof ka tirsan reerka odayaasha la xiray.
Guddoomiye Jifi-jabsade ayaa caddeeyey in ninka dilka gaystay loo dhoofiyey Yemen waqti aan magtiisa laga soo saari karin, taasoo dhalisay in eheladii dhibbanaha iyo dhinaca kaleba ku heshiiyaan in la xiro odayaasha si loogu cadaadiyo bixinta magta.
“Iyada oo la garanayo in magtii laga heli waayey, qabiilkii wax dilay ayaa oggolaaday in odayaasha laga xiro. Heshiis baa lagu gaaray, iyaga laftoodu waa ka raalli ahaayeen tallaabadaas,” ayuu yiri Jifi-jabsade.
Wuxuu sidoo kale xusay in qofkii dembi gala, lala tiigsanayo sharciga, hadii uu rabo haka soo jeedo Baydhabo, Jowhar iyo Kismaayo si loo helo caddaalad iyo xasilooni waarta.
“Qabiilkii ayaa yidhi, ‘Waa nala xukumi karaa, haddii kale caddaalad lama helayo,’ waana arrin laga heshiiyey oo aan salka ku hayn dulmi,” ayuu hadalkiisa raaciyey.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka Mudug uu marayo xaalad kala-guur ah oo dhinaca nabadda ah, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu xallinayo colaado soo jiitamayey, laguna xoojinayo is-afgaradka bulshada.
Si kastaba ha ahaatee, xarigga odayaasha ayaa weli ah mid dareen dhalinaya, waxaana laga sugayaa in maamulka Puntland iyo waxgaradka labada dhinac ay si rasmi ah u dhameystiraan heshiiska magta ee uu salka ku hayo kiiskan.



