Gudoomiye Yabooh oo Ka Hadlay Xaaladda Amni Ee Muqdisho

0

MUQDISHO [SMN] – Gudoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdi Yabooh, ayaa sheegay in amniga magaalada Muqdisho uu yahay mid xasiloon oo la isku halleyn karo, isagoona tilmaamay in xaaladda amni ee Muqdisho maanta ay ka wanaagsan tahay sidii ay ahaan jirtay xilligii hore.

 

Gudoomiye Yabooh ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan shaqsiyaad u muuqda kuwo saameyn xun ku yeelanaya amniga magaalada, kuwaas oo af-lagaado aan loo baahnayn u geysta madaxda qaranka. Wuxuu caddeeyey in looga baahan yahay in la iska dhiciyo kuwaasi si aysan u dhexgelin fowdo ama jahwareer bulshada Soomaaliyeed.

“Ma jirto cid laga aqbali karo in ay xaaladda amniga ee Muqdisho khal-khal galiyaan,” ayuu yiri Gudoomiye Yabooh. “Muqdisho waxay ku tallaabsatay horumar ballaaran, waxaana loo baahan yahay in la ilaaliyo nabadgelyada iyo xasiloonida.”

Sidoo kale, Gudoomiyuhu wuxuu codsaday in garsoorka dalka ay tallaabo ka qaadaan siyaasiyiin uu sheegay in ay wadaan amni darro ka dhex jirta caasimadda, isagoo ku boorriyay dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada inay sii wadaan shaqadooda si loo xaqiijiyo amni buuxa.

Waxaa lagu daray warbixinta in Muqdisho ay sanadihii la soo dhaafay ku tilaabsanaysay horumar dhinaca amniga ah, iyadoo yaraatay qaraxyadii iyo dilalkii ka dhici jiray magaalada. Sidoo kale, weeraradii ay geysan jireen kooxaha burcad ah ayaa dhamaaday, waxaana yaraaday dhacdooyinkii tuugada iyo falalka amni darro ee la xiriira dad aan heybtooda la aqoon.

Gudoomiye Yabooh ayaa muujiyey in ciidamada amniga, gaar ahaan kuwa Muqdisho, ay si weyn uga shaqeeyeen sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada, waxaana la xaqiijiyey in xaaladda amni ee Muqdisho ay noqotay mid wanaagsan, iyadoo bulshada ay diyaar u tahay in ay qeyb ka noqdaan horumarka iyo xasiloonida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here