Jowhar [SMN]: Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raagge.
Ugu horreyn Taliyaha ayaa warbixin ka siiyay madaxweynaha sida ay u socdaan howgallada ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka ee ka socda Hirshabeelle, kuwaas oo sida warbaahinta dowladda sheegtay lagu soo af-jarayo Al-Shabaab.
“Rabbi ha idin ku guulleeyo dadaalka iyo kaalinta naf-hurnimada ee dalka kaga xorreyneysaan cadowga khawaarijta.” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo waqtigii guusha kaddib dagaal adag oo lala galay argagixiso caalami ah.
HirShabeelle ayaa mudo sanado ah waxaa ka socda dagaallo ay dowladda Soomaaliya wali isku dayayso inay Al-Shabaab uga saarto deegaanada ay ku sugan tahay.