Guuleed oo la kulmay Ergeyga gaar ah ee Norway u jooga Soomaaliya + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND Mudane Abdikarim Hussein Guled  ayaa maanta kullan muhiim ah kula la qaatay Xafiiskiisa Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u jooga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Norway Heidi Elburgi Johansen iyo Carsten Carlsen, oo ah siihayaha Safaaradda Norway ee Somaliya.

 

Kullanka ayaa diirada lagu saaray dardargalinta wada-hadallada DFS & SOMALILAND, iyo safarkii wadatashiga ee aan dhawaan uu Ergayga ku tagay dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Ergayga ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta kullanka ka qeybgalay doorka Dowladda Norway ee nabadaynta, xasilinta iyo guud ahaan barnaamijyada dawlad-dhisidda ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here