KISMAAYO (SMN) – Xildhibaanada cusub ee golaha wakiilada Jubbaland ayaa maanta dhageysanaya hadal-jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulkaasi.
Illaa 4 musharrax ayaa isku diiwaangeliyay tartanka doorashada oo beri dhaceysa, sida uu shaaciyay guddiga doorashada ee Jubbaland.
Afarta musharraxa ee is diiwaangeliyay ayaa kala ah:-
1-Axmed Maxamed Islaam Madoobe
2- Faysal Maxamed Mataan
3- Abubakar Cabdi Xasan
4- Dr Cabdi Xasan Xajiin
Dhinaca kale ammaanka ayaa loo adkeeyay, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaalada Kismaayo, si ay xaqiijiyaan amniga.
Doorashada Jubbaland ayaa waxaa bannaanka ka joogta dowladda federaalka oo haatan khilaaf aad u xooggan uu kala dhexeeyo maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.