Halkee ayuu marayaa ollolaha dalka looga joojinayo Bacaha + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada  XFS Mudane Axmed Maxamed Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

 

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayaa warbixin ka siiyay Duqa Magaalada Muqdisho halka uu maraayo ollolaha dalka looga joojinayo Bacaha halka mar la isticmaalo, dhibaatada uu deegaanka ku hayo bacaha iyo xaaladaha caafimaad darro ee ka dhasha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa bogaadiyey dadaallada ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Soomaaliya ku joojineyso Bacaha halka mar la isticmaalo, taasi oo dhibaato weyn ku heysa Caafimaadka, Deegaanka iyo Bilicda Caasimadda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here