Hantidhowraha iyo Xisaabiyaha Guud oo hortegay guddiga maaliyadda BF

0

MUQDISHO (SMN) – Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin ka socday xafiisyada Hanti dhowraha Qaranka iyo Xisaabiyaha guud ee dalka.

 

Masuuliyiintan ayaa waxaa kala hoggaaminaayay mudane Axmed Ciise Guutaale oo ah Hanti dhowraha Qaranka iyo mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo ah Xisaabiyaha guud ee dalka.

Xubnaha guddiyada maaliyadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Hanti dhowraha iyo Xisaabiyaha guud waxa ay ka dhagaysteen warbixino ku saabsan Mashaariicda dalka, halka ay marayaan iyo caqabadaha hor taagan fulintooda.

Sidoo kale xubnaha labada guddi ayaa mas’uuliyiinta xafiisyadan weydiiyay doorka labada xafiis uu ku leeyahay mashaariicda dalka ka socota iyo fulintooda.

Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ayaa maalmihii dambe waday kulamo ku saabsan mashaariicda ku jirto miisaaniyadda Qaranka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here