Hantidhowrayaal Soomaaliyeed Oo Ankara Kaga Qaybgalaya Barnaamij Horumarineed Oo Ku Saabsan Hantidhowrka

0

Ankara – Hantidhowrayaal ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa magaalada Ankara, caasimadda dalka Turkiga, uga qaybgalaya barnaamij daraasad iyo horumarinta xirfadaha hantidhowrka, kaas oo ah iskaashi u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga.

Barnaamijkan, oo socon doona muddo toddobaad ah, ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo tayada howlaha hantidhowrka, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha hantidhowrka ee labada dal.

Furitaanka rasmiga ah ee barnaamijka ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay hoggaanka sare ee Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah, wadaagga khibradaha, iyo is-dhaafsiga aqoonta si loo xoojiyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed.

Ku-xigeenka Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdijamaal Ismaaciil Maxamed, oo hadal ka jeediyay munaasabadda furitaanka, ayaa uga mahadceliyay Maxkamadda Hantidhowrka Turkiga iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Turkiga taageerada joogtada ah iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay la leeyihiin Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.

Waxa uu sidoo kale xusay in tababarkan uu door weyn ka qaadan doono tayeynta habraacyada baarista hantidhowrka iyo xoojinta ilaalinta kheyraadka dadweynaha, taas oo laf-dhabar u ah isla-xisaabtanka iyo maamul-wanaagga.

May be an image of lighting

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here