MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa war cusub kasoo saartay bad-qabka diyaaradaha isticmaalka hawada Soomaaliya.
Qoraal ay soo saartay hay’adda ayaa lagu yiri “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya”
Sidoo kale waxaa intaasi lasii raaciyay “Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya”.
Warka kasoo baxay Hay’adda Duulista Hawada ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan ay soo shaac baxeen warar sheegaya in qaarka mid ah diyaaraha mara hawada Soomaaliya lagala hadlay raadiye kuwa isgaarsiinta ah, kaas oo lasheeg in uu khalkhal galiyay adeegga duulista.