Ankara, Türkiye – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee Soomaaliya iyo Hay’adda Teknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Türkiye (BTK) ayaa kala saxiixday Heshiis Is-Afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee isgaarsiinta elektaroonigga ah.
Heshiiskan, labada hay’adood waxay iska kaashan doonaan nidaaminta isgaarsiinta dayax-gacmeedka, amniga saaybarka (cybersecurity), maareynta hirarka, hirgelinta kaabeyaasha internet-ka baahsan (broadband), adkaysiga shabakadaha, adeegyada isgaarsiinta, nidaaminta internet-ka, iyo qodobo kale oo la xiriira isgaarsiinta elektaroonigga ah.
Heshiiska waxaa xarunta dhexe ee BTK, Ankara, ku saxiixay:
Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee HIQ, Soomaaliya iyo Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu, Guddoomiyaha BTK.
Mudane Ömer Abdullah Karagözoğlu ayaa sheegay”Annagoo u mareyna iskaashigan, waxaan kor u qaadaynaa is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradda nidaaminta, si kor loogu qaado qeybaha isgaarsiinta ee mustaqbalka fog ee labada dal ee Türkiye iyo Soomaaliya.”
Dhankiisa, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh ayaa tilmaamay in heshiiskan uu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adeed, taageerayo dhisidda awooda shaqaalaha, iyo horumarinta qaab-dhismeedka nidaamineed ee wax ku oolka ah, taas oo ka qeyb qaadan doonta kobaca iyo casriyeynta isgaarsiinta Soomaaliya.
Kaddib saxiixa heshiiska, Maareeyaha Guud iyo wafdigiisu waxay la yeesheen kulamo gaar ah iyo wadahadallo farsamo oo ay ka qeyb qaateen aqoon-isweydaarsi iyo wadaagis khibradeed oo la xiriira: hab-dhaqannada nidaamineed,
amniga saaybarka,ilaalinta macaamiisha iyo hab-maamulka internet-ka.
Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa iskaashiga farsamo iyo amni ee isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye, iyadoo la dhisayo awood iyo khibrad u gaar ah labada dhinac.





