Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad ku howlaneyd qaraxyo

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay shabakad ka tirsan kooxd Al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

 

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in illaa 5 xubnood, hub iyo qarxyo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabkad ka kooban Shan xubnood, kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro inay ka gaystaan magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakadaan ayaa ku guulaystay inuu mid mid u soo qabto, waxaana sidoo kale shabakadaan lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo Khawaarijtu ay u qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho”.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here