Muqdisho – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta xarunteeda dhexe ku soo dhaweysay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo booqasho rasmi ah ku tagay hay’adda. Soo dhaweynta waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee hay’adda, Mustafa Duhulow.
Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee u dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa adeegyada ay hay’addu siiso muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan adeegyada la xiriira baasaboorrada, dukumentiyada socdaalka iyo nidaamka jinsiyadda.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustafa Duhulow, ayaa sheegay in hay’addu ay dadaal xooggan ku bixinayso casriyeynta adeegyada iyo hagaajinta nidaamka shaqada si shacabka Soomaaliyeed ay si fudud ugu heli karaan adeegyada ay u baahan yihiin.
Wuxuu xusay in iskaashiga ay la leeyihiin Maamulka Gobolka Banaadir uu muhiim u yahay horumarinta adeegyada iyo gaarsiinta adeeg tayo leh oo shacabka ka farxiya.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa bogaadiyay shaqada ay hay’addu qabato, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda si loo fududeeyo adeegyada bulshada.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo hay’adda si loo horumariyo nidaamyada casriga ah ee dokumentiyada iyo adeegyada socdaalka.




