MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta waxa uu Dowladda Shiinaha kala wareegay lacag dhan 1,000,000 oo Dollar, taas oo ay uga qaybqadanayaan gurmadka loo sameenayo dadka ay samaayeen xalaadaha adag ee ay sababtay El-Niño.
Lacagtaan ayaa dowladda Shiinaha waxa ay ugu talagashay in lagu daabulo Raashin ay dhawaan dalka keeni doonto si dadka tabaalaysan loo gaarsiiyo.
Deeqdaan lacagta ah waxaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ku wareejiyey Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya Mudane SaH.E Fei Shengchao.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-