MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa Maanta Mu’asasada Imaamu Shaafici ku wareyjisay Agab waxbarasho oo muhiim u ah ubadka Soomaaliyeed ee iskuulkaas wax ku barto.
Agabka xaruntaas hay’adda maareynta gaarsiisay waxaa kamid ah kuraas,miisas iyo agab xafiiseed waxaana guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle agabkaan uu ku wareejiyey maamulka sare ee Mu,asasadaas,iyaga oo u mahadnaqay SoDMA.
Guddoomiyaha hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka Mahamoud Moallim Abdulle ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee iskuulkaas faraciisa Degmada Hodon ,
Sidoo kale waxaa socdaalkaan guddoomiyaha ku wehliyey masuuliyiin ka kala tirsan hay’adda maareynta, iskuulka imaamu shaafici iyo xubno katirsan hay’adda Alraxma oo agabkaan hore ugu soo wareejisay hay’adda SoDMA.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-