Hay’adda SoDMA oo gaadiid sida gargaar u dirtay degmada Afgooye + Sawirro

0

AFGOOYE (SMN) –  Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa gaadiid wada shixnad gargaar ah waxa ay u dirtay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

 

Gaadiidkaan ayaa gaaraya 8-aad gaari, waxaana ay wadaan raashin loogu tala galay shacabka ku nool degmada Afgooye iyo deegaannada ku xeeran kuwaas oo sameen ka soo gaartay fatahaad uu wabiga Shabeelle ka sameeyay halkaas.

Iskuduwaha arrimaha gargaarka ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa u mahadnaqay Guddoomiyaha SoDMA, iyo dhammaan hoggaanka Hay’adda oo mar walba u taagan caawinta Bulshada Soomaaliyed, waxaana xusid mudan in sidaan oo kale dhawaan SoDMA gargaar ugu dirtay degmooyinka Awdheegle iyo Balcad oo uu fatahaad ka geystay wabiga Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here