MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta 7,500 oo qoys waxa ay gargaar mucaawino ah ugu qaybisay Deegaanka Garasbaaleey ee Gobolka Banaadir.
Iyada oo fooda inagu soo hayso Bisha barakaysan ee ramadaan ayaa hay’adda SoDMA oo u taagan caawinta Bulshada Soomaaliyed, waxa ay Gargaarkaan u qaybisay qoysas ka kooban danyar, naafo, kuwa deegaanadoda uga soo barakacay Xaaladah #elniño , iyaga oo ka mahadceliyey Mucaawinadan.
Goobta lagu qaybinayey Gargaarkaan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka BFS kuwaas oo hay’adda SoDMA iyo hoggaanka Hay’adda oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha SoDMA Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ku ammaanay sida ay marwalba u garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed ee Xaaladaha adag wajahaya.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-