MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dirtay deeq gargaar raashin ah oo qeyb ka ah deeqaha dowladda Shiinaha ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku wajahan degaannada maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo.
Gargaarkaan oo ka kooban 500 oo tan oo raashin ah, ayaa Doon looga qaaday Dakedda Muqdisho, iyadoo intaas kadib Dakedda magaalada Boosaaso looga daabuli doono gaadiid si degannada maamulkaas shacabka dantayar ee ku nool loo gaarsiiyo.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in Hay’addu u taagan tahay caawinta bulshada Soomaaliyed, si kasta oo wax loo gaarsiin karaana lagu gaarsiinayo.
Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo awaamiirta madaxda qaranka ay hay’addu u taagan tahay xoojinta dadaallada looga hortagayo abaarta La-nina taas oo laga cabsiqabo in dalkeenna ku dhufato, isagoo u mahad celiyay dowladda Shiinaha oo gargaarkaan ugu deeqay dadkeenna nugul.