Hay’adda SoDMA oo gargaar u qaybisay shacabka Buulo-Xaaji + Sawirro

0

BUULO-XAAJI (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka SoDMA mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa deegaanka Buullo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose gargaar mucaawino ah ugu qeybiyay 900 oo qoys oo ku nool degaankaan kaas oo dhawaan Al-Shabaab laga saaray.

 

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa sheegay in magaalo kasta oo cadowga laga dulqaado ay gaarsinayaan gargaar deg-deg ah, shacabkana looga bahaanyahay in ay la shaqeyaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Shalay ayaa waxaa magaaladan booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo dhiirogelin u sameeyay ciidamada labada heer ee ku sugan halkaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here