Hay’adda SoDMA oo maanta la wareegtay gaadiid Ambulance ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa maanta gaari nuuca gurmadka deg-dega ah ee Ambulance waxa ay kala wareegtay Hay’adda daryeelka Hooyada iyo dhallaanka ee AMUCUBO.

 

Gaarigaan waxa ay hay’adda uga qeybqaadan doontaa u gurmashada shacabka Soomaaliyeed ee waxyeellada la kulma, waxaana maalmaha soo socda qorshuhu yahay in sidaan oo kale gaadiid kale oo gurmadka degdega ah hay’adda soo gaara.

Maareeyaha Xarunta Qaran ee Gurmadka degdega ah ee NEOC Md. Xasan Cabdulqaadir Ciise ayaa la wareegay gaadiidkaan, isagoo u mahadnaqay madaxda Hay’adda daryeelka Hooyada iyo dhallaanka ee AMUCUBO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here