Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay deegaanada Galmudug

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Md. Maxamuud M. Cabdulle ayaa dekedda magaalada Muqdisho maanta ka amba-bixiyay gargaar raashin ah oo qeyb ka ah deeqaha dowladda Russia ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed ee colaadaha, abaaraha iyo fatahaadda cimilada El-Nino wax-yeelleeyeen.

 

Gargaarkaan ayaa ku wajahan degaannada dowlad goboleedka Galmudug oo ku dhawaad sanad ay ka socdaan dagaallada dib u xoreynta dalka iyo maamulka Khaatumo oo sanadkaan dhammaadka ah qoysas badan goryahooda ka barakaceen kadib colaadihii magaalada Laascaanood iyo inta badan gobolka Sool.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin oo hadal kooban siiyay saxaafadda ayaa sheegay in deeq-bixiyayaasha iyo Dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ay si weyn uga soo jawaabeen baaqyada gurmadka, isla-markaana uu hay’adda soo gaaray raashin ku filan gobollada dalka oo dhan.

Sida uu xusay Guddoomiyaha, qorshada SoDMA ee shanta sano ee soo aaddan ayaa ah, in dadka Soomaaliyeed lagu dhiiragaliyo lagana gacan siiyo sidii ay u maal-gashan lahaayeen mashaariicda dhisaysa adkaysiga iyo la qabsiga musiibooyinka, ka soo kabashada iyo horumarka, si looga baxo baahida iyo gacan hoorsiga.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa hore waxa xusid mudan in sidaan oo kale doomo iyo gawaari sida shixnado gargaar ah waxa ay ugu dirtay maamulada puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here