Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay gobolka Gedo + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa maanta degmada Luuq ee gobolka Gedo waxa ay u dirtay agab gargaar kaas oo hay’adda ugu talagashay in dib u dajin loogu sameeyo qoysaskii ku barakacay colaad beleedyadii dhawaan ka dhacay degmadaas.

 

Agabkaan waxaa kamid ah Teendhooyin waxaana hay’adda ugu talagashay in guryo KMG ah loogu sameeyo qoysaska banaanka magaladaas tuban, kuwaas oo hore guryahooda looga gubay .

Agabkaan waxaa xigi doono gurmad ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka oo hay’adda ay dhawaan direyso, waxana deeqdaan SoDMA uga jawaabaysaa kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisulwasaaraha XFS hay’adda ugu baaqeen in gurmad degdeg ah la gaarto Shacabka Luuq.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here