Muqdisho – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hey’adaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay xalay xilligii saxuurta weerar ku qaadeen hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo ay deganaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) oo laga soo celiyay hawada maalmihii la soo dhaafay.
Sida ay qaar ka mid ah xildhibaanadu u xaqiijiyeen Shabelle TV, weerarkaasi waxaa ku dhaawacmay laba xubnood oo ka mid ah xildhibaanada ku sugnaa hoteelka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in askartii weerarka fulisay ay xabsiga u taxaabeen Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo la deganaa xildhibaanada lagu tilmaamay inay go’doon ku jireen.
Dhanka kale, Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in Axmed Cabdi Hurre uu ku mashquulsanaa falal lidi ku ah amniga, iyagoo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin eedeymahaasi.
Dhacdadan ayaa imaneysa xilli uu jiro muran siyaasadeed oo u dhexeeya madaxda federaalka iyo maamulka Puntland, kaas oo ku saabsan arrimo la xiriira dastuurka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.




