Hey’adda SoDMA oo doonyo dheereeya u dirtay degmada Baardheere + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka #Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka #Jubaland kuwaas oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba oo mara Degmooyinka Gobolkaas ayaa maanta hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka waxa ay laba Doonyood oo ah nuuca dheereeye u dirtay degmada Baardheere.

 

Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan kuwaas oo ay go’domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado Qomaatiga u kaca.

Sidoo kale hay’adda ayaa diyaarisay Deeqo kala duwan oo gargaar ah kuwaas oo iskugu jira Raashin, Dhar iyo Daawo waxaana la rarayaa dhawaan, iyadoo la gaarsinayo degmoyinka iyo deeganada fatahaadaha iyo daadadka ay ku rogmadeen, waxaana xusid mudan in maalmo ka hor hay’adda SoDMA doon nuuca dheereya ah gaarsiisay Luuq.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here