HirShabeelle oo lagu musuq-maasuqay Mashaariic waaweyn oo ka yimid Bangiga Adduunka

0

Waxaa sii kordhaya qayla-dhaanta iyo walaac bulshadda HirShabeelle ka muujinayaan leexsashada mashaariicda uu bixiyay Bankiga Adduunka oo ugu tala-galay in laga fuliyo Dowlad Goboleedka. Mas’uuliyiinta Maamulka ayaa lagu eedeeyay inay masuq-maaseen dhaqaalaha labada Mashruuca (Barwaaqo) oo dadka reer miyiga ah loogu faa’idayn lahaa inay helaan Biyo iyo Cunto.

 

Mashruuca Barwaaqo, ayaa waxaa soo wajahay dib u dhac weyn. Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle ayaa shaaca ka qaaday in mashruucan uu hakad ku yimid kadib markii Wasaaradda Qorsheynta Hirshabeelle ay isku dayday in isku duwaha mashruuca lagu bedelo shaqsi kale oo siyaasiyiin ay wataan.

Qorshahan oo laga damacsan yahay in dhaqaale lagu lunsado ayaa la sheegay inay soo abaabushay Madaxtooyada Hirshabeelle, iyadoo tani ay keentay cabsi xoogan oo laga muujiyay mustaqbalka mashruucan muhiimka u ah bulshadda degaanka, oo mudo dheer kusoo jiray dhibaatooyin bini’aadanimo oo ka dhashay fatahaadaha iyo abaaraha.

Mas’uuliyiinta sare ee maamulka Hirshabeelle ayaa isku dayay inay xilka ka qaadaan Xiriiriyaha Mashruuca Barwaaqo iyadoo aan loo marin habraac iyo nidaamka Bankiga Adduunka. Eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn ayaa loo jeediyay isku duwaha, balse baaritaan kadib ayaa lagu ogaadey inay eedeymaa ahayeen qorshaha xilka looga qaadi rabay, waxaana lagu taliyay in dib loo soo celiyo shaqada, iyadoo go’aankaas oo uu taageeray Bankiga Adduunka, sida ku cad warqado ay aragtay WarbaahintaShabelle.

“Waxaan la soconaa aritan dhacday 16-kii July ee ku saabsan in si xaq darro ah shaqada looga ceyriyay shaqaale dowladeed oo ka shaqeynayay mashruuc uu bixiyay Bankiga Adduunka. Xil ka qaadista waxaa lagu sameeyay baaritaan uu gacan ka geystay garab Saddexaad, waxaana la kaashanay Wasaaradda Qorsheynta ee Dowladda Federaalka. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in aysan jirin sabab lagu baabi’iyo qandaraaska Xiriiriyaha Mashruuca ee Hirshabeelle sidaas darteedna dib ayaa lagu soo celiyay. Baaritaanku wuxuu tixgaliyay siyaasadda shaqadda Soomaaliya iyo habraacyada Bangiga Adduunka ee shaqaaleysiinta mashaariicda,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Bankiga Adduunka oo la soo xiriiray Warbaahinta Shabelle.

Iyadoo taasi jirto ayaa Warbaahinta Shabeelle waxay ogaatay in Xiriiriyaha Mashruuca Barwaaqo aan weli si rasmi ah dib loogu soo celin shaqada. Mas’uul ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa noo sheegay in xafiiska Cali Guudlaawe uu cadaadis ku saarayo isku duwaha inuu is casilo, si loogu bedelo qof kale oo fududeyn kara musuq-maasuqa lacagta mashaariicda Bangiga Adduunka.

Talaabadan ayaa sida ay sheegeen dadka u dhuun daloola arrimahan, waxa ay salka ku haysaa damac siyaasadeed, oo u adeegaya dan shaqsi oo ah Madaxweynaha Cali Guudlaawe oo qandaraasyadda iyo mashaariicda HirShabeelle loogu tala-galay dhaqaalaheeda ku galaya ololaha dib loogu dooranayo, waxaana xusid mudan in HirShabeelle uu ka raabey horumarka ay gaareen maamulada kale musuq-maasuq hargaha goostay.

“Walaaca jira wuxuu ku saabsan yahay cidda lagu aamini karo inay fuliso mashruuca Barwaaqo, oo soo wajahay caqabado badan oo uu kamid yahay isku-dayga  lacagta lagu leexsanayo,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta Hirshabeelle oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Afhayeenka Baanka Adduunka ayaa isna yiri: “Waxaan hoosta ka xariiqayaa in Bangiga Adduunka uu si dhab ah u qaatay eedeymaha musuqmaasuqa ee mashaariicda uu maalgeliyo, waxaana la baarayaa kiiskan jujuubka iyo carqaladaynta hawlaha uu Baanka Adduunka wado, oo ay ku jiraan eedaymaha ka dhanka ah shaqaalaha. Baaritaannada waxaa sal u ah macluumaadka aan helno, sidaas darteed waxaan ku dhiirigelineynaa dadka ku lug leh howlaha uu taageerayo dhaqaalaha Bangiga Adduunka inay soo sheegaan wax isdabamarin kasta ama musuqmaasuq la tuhunsan yahay.”

Barnaamijka nidaamka adkaysiga cuntada oo ah mashruuc kale oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunka, ayaa u muuqda inuu wajahayo arrimo kuwan la mid ah. Hannaanka shaqo qorista ee Isu-duwaha Mashruuca Hirshabeelle ayaa la sheegay in uu hareeyay eex, iyo nin jeclaysi. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shaqaaleysiintan oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Hirshabeelle oo uu kormeeray mas’uul sare, ay iska indha tireen musharrixiin badan oo u qalma shaqada. Cv-ga shaqsiga la doortay ayaa ku qoran shahaadooyin aqooneed iyo waayo-aragnimo oo aan jirin kuwaasoo laga soo minguuriyay CV-ga shaqsiyaad kale, taasoo uu ka warhelay Bankiga Adduunka.

Cawaaqibka ka dhalan kara hab-dhaqannadan musuq-maasuqa shaqaaleysiinta ayaa ah mid aad u xun, sida uu carrabka ku adkeeyay mid ka mid ah xildhibaannada Hirshabeelle. Maamul-xumada iyo lacag xadista ma aha oo kaliya mid wax u dhimaysa mashruuca balse sidoo kale waxay luminaysaa kalsoonida bulshadda, waxayna khatar gelinaysa dadaallada horumarineed ee Dawlad Goboleedka HirShabeelle.

Shabakadda Shabeelle ayaa sidoo kale baaritaan ku sameyneysa warar sheegaya in qandaraasyo la siiyay shirkado ka baxsan nidaamka iyo habraacyada la dejiyay, kuwaas oo la sheegay in qoristooda lagu saleeyay eex iyo qorshe lagu leexinayo lacagaha Bangiga Adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here