HirShabelle oo shaqada ka joojisay guddoomiyihii deegaanka Ceel Baraf + Sababta

0

JOWHAR (SMN) – Wasiirka wasaaradda arrimaa gudaha HirShabelle Cabdi Daahir Guure (Karoore) ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyihii deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe Yuusuf Xasan Xuurshow.

 

Wareegto kasoo baxday wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in shaqo ka joojinta guddoomiyaha ay daba socoto dhacdadii lagu laayay askarta ee ka dhacday Ceel Baraf.

Sidoo kale wasiir Cabdi Daahir Guure (Karoore) oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in guddoomiyaha lagu sameyn doono baaris, maadaama uu jiro shako la xiriira dhacdadii dilka ahayd.

“Qofka hadii laga shakiyo shaqada Dowladda masii wadi karo, Guddoomiyaha Ceelbaraf dilkii Askarta ayaa looga shakiyey, ilaa baaris amni uu ka maraayana shaqada waa laga joojiyey” ayuu yiri wasiir Cabdi Daahir Guure (Karoore)

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here