Hogaamiyaha Hiiraan State oo war culus kasoo saaray safarka Guudlaawe ee Matabaan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Hoggaamiyaha maamulka la magac baxay Hiiraan Sate, Cabdullahi Ganey oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan safarka madaxweyne Cali Guudlaawe ku gaaray degmada Matabaan iyo khilaafka weli kala dhexeeya HirShabelle.

 

Cabdullahi Ganey ayaa sheegay in madaxweynaha HirShabelle, isaga oo ka cararaya Beledweyne uu gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ay ceeb ku tahay.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in weli halkiisii uu yahay khilaafka ka dhexeeyay labada dhinac, isla markaana madaxweyne Cali Guudlaawe uusan cagta soo dhigi karin guud ahaan magaalada Beledweyne, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada aan weli xal rasmi ah loo helin khilaafka Beledweyne iyo Jowhar, kaas oo saameeyay horumarkii iyo hore u socodkii dowlad goboleedka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here