Hoggaamiyaha Ahlu Sunna oo dadaallo nabadeed ka bilaabay gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo haatan ku sugan magaalada Huurshe ee gobolka Galgaduud ayaa ka warbixiyay ujeedka socdaalkiisa.

 

Macallin Maxamuud ayaa sheegay in Huurshe uu u tegay arrimo nabadeed, si loo soo afjaro colaadda beelaha ee ka taagan halkaasi.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay heshiis dhab ah u gaari lahaayeen beelaha, loogana gudbi lahaa dilalka aanooyinka qabiil iyo dagaal beeleedyada.

”Waxa aan Huurshe u imaanay heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee Xeraale iyo Caabud-waaq”. ayuu yiri hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana xirgaha goostay dilal salka ku haya aanooyinka qabiil ee ka dhacaya Galmudug.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here