Hoggaamiyaha Kooxda Gooni-u-goosadka Yemen oo Soo Maray Soomaaliya Isagoo u Baxsanaya Imaaraadka

0

Cadan / Muqdisho — Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallama Yemen ayaa shaaca ka qaaday in hoggaamiyaha ururka gooni-u-goosadka Koonfurta Yemen (STC), Caydaruus Al-Zubaydi, uu ka baxsaday Yemen isagoo u gudbay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, islamarkaana uu sii maray Soomaaliya.

 

 

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Al-Zubaydi uu ka baaqsaday ka-qaybgalka wadahadallo nabadeed oo lagu ballansanaa in lagu qabto magaalada Riyaad ee caasimadda Sacuudiga.

War-saxaafadeed ka soo baxay isbahaysiga ayaa lagu sheegay in Al-Zubaydi uu habeen hore ka dhuuntay magaalada Cadan, isagoo raacay dooni geysay dekedda Berbera ee Somaliland. Intaas kaddib, sida lagu sheegay warka, waxa uu diyaarad kaga soo duulay magaalada Muqdisho isagoo u gudbay Imaaraadka Carabta.

Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ayaa ku eedeeyay hoggaamiyaha STC inuu carqaladeynayo dadaallada nabadeed ee Yemen, isla markaana uu qaaday tallaabooyin ka baxsan heshiisyadii hore loo gaaray.

Ilaa hadda, ururka STC ama Caydaruus Al-Zubaydi kama aysan bixin wax faallo ah oo ku saabsan eedeymahan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here