Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo booqday xarunta Hay’adda SoDMA

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Md. Mahamuud Moallim Abdulle oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo dhaweeyey Hoggaamiyaha Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo Md. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

 

Hoggaamiyaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha wasiirrada maamulkiisa ayaa hoggaanka SoDMA la wadaagay warbixinnada bani’aadannimo ee ka jira degaannada maamulkaas iyaga oo u xusay sida dadka nugul wali ugu baahan yihiin garab istaag, halka ay ka mahad-celiyeen howlahii gargaar ee hay’addu ka qabatay gobolka Sool.

Ugu danbeeyn Guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa booqashadooda kaga mahad-celiyay Hogaamiyaha Maamulka KMG ee SSC iyo wafdigiisa isagoo xusay in hay’addu sii laban-laabi doonto dadaallada bani’aadannimo ee ay ka waddo degaannada SSC-Khatumo.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here