Hoggaamiyaha SSC oo kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaal ka Soomoaliya, iyagoo ka wada hadlay sidii loo joogtayn laha wada shaqaynta hay’adaha Dawliga ah ee heer Federaal iyo heer Maamul.

 

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaal iyo Dib u heshiisiinta Mud. Xil. Cali Yusuf Cali, Wasiirka Amniga Gudaha Gen. Abdullahi Sh. Ismaaciil Fartaag, Wasiirka Wasaaradda Korantada iyo Khayraadka Biyaha Mud. Xil. Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiiru Dawlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha Mud. Xirsi Gaanni, Xildhibaan Golaha Shacabka ah Marwo Raysal Qorane, Taliyaha Ciidanka Bilayka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas. Sulub Axmed Firin, Taliyaha Qaybta Booliska G. Benaadir G/sare Mahdi Cumar Muumin.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ahaa Wasiirada Arirmaha Gudaha iyo Khayraadka Biyaha ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa safar muddo qaatay ku jooga Caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho isagoo inta badan kulammo la qaatay Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Safiirrada Caalamka, iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Muqdisho, maalmahanna ku soo laaban doona Caasimadda Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here