Hoggaamiye Sare oo ka tirsan ISIS oo lagu dilay duqeyn Mareykanka ka fuliyay Puntland

0

LONDON [SMN] – Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in hoggaamiye sare oo ka tirsan Daacish uu ku dhintay duqeyn hawada ah oo Maraykanku ka fuliyay buuralayda Calm-Miskaad Isbuucii hore. Hogaamiyaha oo lagu magacaabi jiray Axmed Maalimine, ayaa la sheegay inuu mas’uul ka ahaa qorsheynta iyo abaabulka weerarada lagu beegsanayo dalalka Galbeedka.

 

Axmed Maalimine, ayaa la aaminsan yahay inuu madax ka ahaa qorista, tababarka, iyo isku-xirka dagaalyahannada ajnabiga ah ee Daacish kusoo biira. Sidoo kale, wuxuu mas’uul ka ahaa hoggaaminta weerarada iyo hawlgallada ka baxsan Soomaaliya, sida ay qortay jariirada Daily Mail.

Sebastian Gorka, oo ah ku-xigeenka kaaliyaha Madaxweynaha Mareykanka iyo agaasime sare ee ka hortagga argagixisada ee Maamulka Trump, ayaa xaqiijiyay in Axmed Maalimine uu qeyb ka ahaa qorsheynta weerarada lagu bartilmaameedsanayo dalalka caalamka.

“Qofkan wuxuu muhiim u ahaa abaabulka iyo isku-xirka weerarada, tababarka dagaalyahanada ajnabiga, iyo u diristooda reer Galbeedka si ay u fuliyaan weeraro argagaxiso,” ayuu yiri la-taliyaha Donald Trump.

Diyaarad kasoo kaxday markab fadhiya badda Cas oo Maraykanka leeyahay ayaa 1dii bishan duqeymo ka fulisay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, taas oo sababtay dhimashada dagaalyahanno ajnabi ah oo Daacish katirsanaa. Weerarka ayaa dhacay iyadoo Ciidamada Puntland ay sheegeen inay guulo ka gaareen dagaalka Daacish.

Duqeynta Mareykanka oo Trump uu amray ayaa qayb ka ah dadaalka caalami ah oo loogu jiro ka hortagga khatarta caalamiga ah ee Daacish iyo Al-Shabaab-ka ku sugan Soomaaliya, iyadoo hawlgallo militari lagu wado sidii loo burburin lahaa shabakadaha kooxahan ee Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here