Hoggaanka SSC oo beeniyay in ay leeyihiin hubkii lagu qabtay Muqdisho

0

LAASCAANOOD (SMN) – Taliska ugu sarreeya ee ciidanka SSC-Khaatumo ayaa gaashaan ku dhuftay qoraal uu bartiisa ku daabacay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo shaaciyay in hub loo waday SSC lagu qabtay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaan Dayax Cumar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in hubkii iyo saanaddii maalmo kahor lagu qabtay dekedda Muqdisho loo waday SSC, isaga oo dalbaday in loo fasaxo, taas oo dood xoogan ka dhex dhalisay baraha bulshada.

Intaas kadib taliye Cabdi Madoobe oo kamid ah saraakiisha ciidanka SSC ayaa ka jawaabay eedeyntaasi, isaga oo shaaciyay in uusan jirin hub loo waday oo lagu qabtay Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay haddii ay hub u baahan yihiin inay kala soo dagi karaan Garacad ama Boosaaso oo u dhow, kana tirsan Puntland.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in shaqsiyaadka baahiyay wararkaasi ay lee yihiin dano gaar ah oo siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Saddexdii maalin ee ugu dambeysay ayaa howlgal culus oo ay sameeyeen ciidamada NISA waxa ay ku soo qabteen hub iyo saanad ciidan oo laga soo dajiyay dekedda iyo garoonka Muqdisho, waxaana dowladda Soomaaliya ay sheegtay in loo waday Al-Shabaab oo dagaal adag kula jirta ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda oo haatan guluf dagaal ka wada koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here