Hoobiyeyaal Lagu Weeraray Xerada Hiilweyne oo u Dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad

0

MUQDISHO – Tiro hoobiyayaal ah ayaa xalay lagu weeraray xerada ciidamada ee Hiilweyne, oo ku taalla inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

 

Xeradan oo ay degan yihiin cutubyo katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ah xarun dhowr jeer booqasho ku tageen madaxda dowladda, taasoo muujineysa muhiimadda ay leedahay.

Dad deegaanka ah ayaa kusoo baraarugay jugta madaafiic ku dhacaysay gudaha xerada iyo hareeraheeda. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in hoobiyeyaasha la tuhunsan yahay in ay tuureen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, maadaama ay ku sugan yihiin dhul aan sidaa uga fogeyn xerada.

Goob-joogaha ayaa sheegay in madaafiicda badankeedu ay ku dhaceen gudaha xerada iyo meelaha u dhow, balse ma uusan xaqiijin in ay jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dad shacab ah.

Maamulka degmada Balcad iyo saraakiisha milateriga weli kama aysan hadlin weerarka, iyadoo xaaladda amni ee gobolka ay weli tahay mid kacsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here