Hormuud oo war kasoo saartay dil ka dhacay xarunteeda Bakaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Maanta oo taariikhdu tahay Talaado, 15, Aktoobar 2024, abaare 7:30 subaxnimo waxaa Xarunta shirkadda ee Hormuud Telecom yimid laba qof oo rag ah oo wata darays ciidan oo doonayay in lamber aysan lahayn ay kala baxaan lacago.

 

Kadib maxaa dhacay?

Labada nin mid ka mid ah wuxuu soo galay xarunta, halka kan kalena uu mooto bajaaj ay la socdeen kuna sugayeen, Hubin ka dib howlwadeenadii shirkadda Hormuud waxay ogaadeen in qofkaas uusan lahayn lamberka uu lacagta ka dirsanayey wayna ka diidan in ay howshaas u qabtaan.

Daqiiqado ka dib waxay keeneen xarunta gabadh, gabadhiina waxay sheegtay in la soo afduubay, balaayaddu halkaas beey ka billaatay, Muran kii halkaas ka dhashay ayaa wuxuu keenay in ay qoryohoodii la soo baxaan, halkaasna waxaa ka dhashay in ay rasaas isweydaarsadaan ragii hubaysnaa ee xarunta yimid iyo waardiyihii xarunta. Halkaas waxaa ku dhintay mid ka mid ah labadii nin, kii kale ee Ciidanka ahaana wuu cararay.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayay saraakiisha shirkaddu markiiba la xiriiray, wixii macluumaad ahna dowladda ayey shirkaddu ku wareejisay.

Tuugadii gabadha afduubatay Hormuud way iska celisay, gabadhii iyo Hantideediina way bad baadisay shirkaddu. Hormuud waxay shacabkeeda Macaamiisha ah ugu baaqaysaa iney ilaaliyaan shukuucda adeegga, haddii shirkadda talaabo qaldan loola yimaadana way is difaacaysa oo Dowladda Soomaaliyeed ayaa ogolaashahaas siisay Hormuud.

Muwaadin (Macmiil) Hormuud hantidaada way ilaalinaysaa, sabab kasta iyo waqti walba oo macquul ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here