Howgal ka dhacay Bariga Africa oo lagu qabtay xubno Al-Shabaab iyo Daacish katirsan

0

NAIROBI SMN] – Warbixin cusub oo Interpol soosaartay ayaa lagu sheegay in 37 qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Daacish iyo Al-Shabaab lagu qabtay hawlgallo wadajir ah oo ay fuliyeen Interpol iyo Afripol sanadkii hore dalalka Bariga Afrika.

 

“Dadka la qabtay waxaa ku jira xubno ka tirsan (Daesh), Al-Shabaab, iyo dagaalyahanno shisheeye oo argagixisada katirsan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Interpol Isniintii.

Intaa waxaa dheer, hub culus iyo hub fudud ayaa sidoo kale laga helay dalalka Bariga Afrika ee lagu sameeyay hawlgalladaas, sida uu sheegay hay’adda booliska ee caalamiga ah.

“Wadanka Kenya, booliska ayaa qabtay 17 qof, oo ay ku jiraan laba xubnood oo loo haysto inay ka tirsan yihiin ISIS, dagaalyahanno shisheeye, iyo kuwo kale oo ku lug lahaa maalgelinta argagixisada, xagjirnimada, iyo fidinta waxyaabaha awooda u leh inay kiciyaan dhibaatada,” ayaa lagu sheegay bayaanka.

“Booliska Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa qabtay afar qof oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ciidamada Dimoqraadiga ee Isbahaysiga (ADF) iyo laba qof oo kale. Ciidamadu sidoo kale waxay ka huleeleen oo burburiyeen gantaal iyo qalab ka dhan ah taangiyada oo ay ka tageen kooxaha loo haysto inay yihiin argagixiso,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Congo ayaa weli wajahaysa weeraro joogto ah oo ay fuliyaan ADF, koox argagixiso oo xiriir la leh ISIS.

Dowladda Soomaaliya ayaa qabatay saddex qof, oo ay ku jiraan qof la tuhunsan yahay inuu yahay sameeyaha bamka Al-Shabaab iyo shaqsi kale oo lagu xiray weerarro looga faa’iideysanayay grenadada lagu weeraray baaritaannada booliska.

Tan iyo 2007, kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaeda ayaa dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo hawlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo ah hawlgalkii caalami ahaa ee la aasaasay si loo taageero dowlada Soomaaliya.

Kooxdu waxay kordhisay weerarradeeda tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay “dagaal buuxa” oo ka dhan ah kooxda.

Interpol ayaa sheegay in sidoo kale booliska Tanzania ay qabteen qof lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay ISIS ee Mozambique iyo muwaadin Uganda oo isku dayayay inuu ku biiro koox argagixiso oo ka dagaallamaysa Mozambique.

Ka hor hawlgalkan, wadan walba ayaa diyaarshay qorshe hawleed, iyagoo uruuriyay xogta ku saabsan bartilmaameedyada argagixisada, sida dadka iyo goobahooda la yaqaan.

Interpol iyo Afripol ayaa isugu geeyay oo falanqeeyay xogtan oo waxay u qaybiyay dalalka ka qaybgalaya hawlgalkan, taasoo suurta gelisay is-weydaarsi weyn oo xogta dambiyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here