Howgal lagu dilay Xubno ka tirsanaa Al- Shabaab oo ka dhacay gobolka Baay

0

MUQDISHO – Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah ka fuliyay deegaanka Buur Eyle ee degmada Buur Hakaba, gobolka Bay.

Hawlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan  a Al-Shabaab oo muddo lagu daba-socday, kuwaas oo diyaarinayay weerarro is-qarxin ah iyo gaadiid qaraxyo lagu rakibay.

Natiijada hawlgalka, 22 dhagarqabe ayaa lagu dilay, waxaana la burburiyay dhammaan agabkii qaraxyada iyo gaadiidkii qaraxyada siday. Xogta la helay ayaa muujinaysa in kooxdaasi ay qorshaynayeen weerarro lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed iyo bartilmaameedyo amni, balse ciidamada Danab ayaa ka hortagay qorshahaas ka hor inta uusan fulin.

Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab, oo ay wehliyeen saaxiibada caalamka, ayaa si nabadgelyo ah ugu soo laabtay saldhigyadoodii kaddib dhammeystirka hawlgalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan geesinimada, xirfadda, iyo feejignaanta Ciidanka Qaranka, iyagoo mar kale adkaynaya in hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga ciribtirayo khatarta Al-Shabaab, lana xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

May be an image of map and text that says "2026: Ciidamada Danab Ciidanka Xoogga Dalka qorshaysan beegsi deegaanka Buur Hakaba, gobolka Hawlgalka αγαα hawlgal degmada lagu diyaarinayay lagu rakibay. bartilmaameedsaday koox muddo gaadiid Natiijada hawlgalka, 22 dhagarqabe αγαα lagu dilay, agabkii qaraxyada iyo gaadiidkii helay αγαα lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed bartilmaameedyo amni, balse ciidamada Danab hortagay qorshahaas ka hor inta uusan fulin. Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab, saaxiibada caalamka, nabadgelyo ugu saldhigyadoodii kaddib dhammeystirka hawlgalka. laabtay Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka o Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan geesinimada, xirfadda, feejignaanta Ciidanka Qaranka, iyagoo kale adkaynaya hawlgallada dhanka argagixisada socon doonaan ilaa ciribtirayo khatarta Al-Shabaab, lana xaqiijiyo amniga xasilloonida dalka."

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here