CEELASHA BIYAHA (SMN) – Ciidamada Amaanka DFS oo isugu jiray Nabadsugida iyo Boliiska ayaa Xalay howlgalo amni-xaqiijin iyo kormeer amni ku sameeyey deegaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca duleedka koonfureed ee Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Ciidamada hogaamineysay ayaa Booqday goobo Ganacsi oo aan ka fogeyn hareeraha Laamiga, waxaana ay Dadka u sheegayeen in ay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka Ee ka howlgala Ceelasha biyaha.
Talaabada Sare u qaadida Amniga iyo howlgalka ayaa yimid ka dib markii Fiidkii hore ee Xalay soo ifabaxeen warar sheegaya in Al-Shabaab soo galeen gudaha Ceelasha biyaha.
Inakastoo aanan lasoo werinin Wax dhibaato ah oo halkaasi ka dhacay, haddana imaashaha Al-Shabaab ee deegaanka ayaa muujinaysa jilicsanaan amni.
Al-Shabaab ayaa shalay dhowr weerar ku qaadey Xaawo Cabdi iyo Awdheegle, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo uu ka dhacay dagaal culus oo khasaare dhaliyay.
Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada bishan Ramadan, iyadoo isku dayaysa inay dib ula wareegto deegaano horey uga talin jirtay iyo inay cules saarto Muqdisho, oo xarun dalka ah, islamarkaana ay dowladda ku shaqeyso.