Howlgal ay fuliyeen Ciidanka NISA oo lagu dilay seddex mid ah Al-Shabaab

0

Kuukaayle, Hiiraan – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo gacan ka helaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Kuukaayle, oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

 

Howlgalkan ayaa lagu beegsaday goobo ay gabbaad ka dhiganayeen xoogaga Al-Shabaab. Sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee dowladda, waxaa halkaas lagu dilay seddex dagaalyahan, kuwaas oo qorsheynayay falal amni-darro.

Intaa waxaa dheer, ciidamada NISA ayaa burburiyay laba gaari oo kala ahaa noocyada Cabdi-bile iyo Noah, kuwaas oo Al-Shabaab ku qariyeen dhul hawd ah si ay ugu adeegtaan dhaq-dhaqaaqyadooda lidka ku ah amniga shacabka.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada socda ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, looguna gurmayo bulshada ku nool deegaannada ay horey u dhibaateeyeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa ku celceliyay inay sii wadi doonaan dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ilaa laga xaqiijiyo amni buuxa iyo xasillooni dalka oo dhan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here