Muqdisho – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya saaxiibbada caalamka ayaa duqeyn qorshaysan oo ka dhacday 26-ka Oktoobar 2025 magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay Maxamuud Cabdi Xaamud, oo loo yaqaanay Jacfar Gurey, kana mid ahaa hogaamiyeyaasha sare ee ururka Al-Shabaab.
Jacfar Gurey ayaa ka mid ahaa aasaasayaashii ururka Al-Shabaab, wuxuuna saaxiib dhow la ahaa hogaamiyayaashii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane iyo Axmed Diiriye, kuwaas oo uu muddo dheer la soo shaqeeyay.
Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan sida Madaxa Amniga Dibadda, Madaxa Amniga Hoggaanka Al-Shabaab, iyo Madaxa Dabagalka, dhammaan xilalkaas oo la xiriiray hawlaha sirdoonka, qorsheynta weerarrada iyo dilalka qorshaysan ee kooxda.
Sidoo kale, Jacfar Gurey ayaa door muuqda ku lahaa maalgelintii iyo dhismahii hore ee ururka Al-Shabaab, isagoo qayb ka ahaa lacag laga soo dhacay shirkad Itoobiyaan ah oo uu la socday hogaamiyihii hore ee kooxda, Axmed Cabdi Godane, taas oo lagu maalgeliyay aasaaskii ururka.
Saraakiisha milatari ee Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka lagu beegsaday Gurey uu ahaa mid qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday goob uu ku dhuumaalaystay gudaha magaalada Bu’aale.
Howlgalka guuleystay ee lagu khaarijiyay Jacfar Gurey ayaa ka tarjumaya wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamka ee la dagaallanka Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo nabadda shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale u xaqiijisay shacabka Soomaaliyeed in howlgalada qorshaysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa dalka laga xoreeyo haraadiga kooxdaas, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad, xasillooni iyo horumar waara.




