GALGADUUD – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka Deegaanka ayaa xalay fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo lagu dilay hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Hogaamiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal, waxaana uu ahaa hogaamiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana door weyn ka ciyaaray weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed iyo isku-duwidda dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bogaadisay geesinimada iyo naf-hurnimada ciidanka, iyaga oo ku adkeeyay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay si joogto ah u socon doonaan ilaa laga ciribtiro haraadiga cadowga ummadda Soomaaliyeed.





