Howlgal Cusub oo Ka Dhan ah Al-Shabaab oo Ka Socda Nawaaxiga Aadan Yabaal

0

AADAN YABAAL, Soomaaliya – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan maleeshiyaadka deegaanka ee Hiiraan ayaa guda galay wejigii ugu dambeeyay ee howlgal qorsheysan oo lagu beegsanayo Al-Shabaab, kuwaas oo wali ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Wararka laga helayo halkaas ayaa tilmaamaya in dhaq-dhaqaaqyo ciidan ay si xooggan uga socdaan duleedka degmada, iyadoo lagu wado in howlgalku ku faafo dhul ballaaran oo kooxdaasi ay muddo ku sugnaayeen.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa kormeeray ciidamada howlgalkan ka qaybgalaya, iyagoo dhiirrigelin iyo hagid u sameeyay qorshaha milatari ee socda. Waxaa ka mid ahaa Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar.

Taliyaha ayaa sheegay in furimaha hore ay la kulmeen ciidamo niyad adag leh oo diyaar u ah inay la wareegaan degmada muhiimka ah ee Aadan Yabaal. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka.

“Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka waxay muujinayaan geesinimo iyo diyaar garow weyn. Waxaan ku dhiirrigelinay inay adkeeyaan dagaalka ilaa laga cirib tiro cadowga,” ayuu yiri Taliye Sahal.

Dowladda Federaalka ayaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay kordhisay duullaannada lagu beegsanayo fariisimada Al-Shabaab, iyadoo Wasiirka Gaashaandhigga uu horay u ballanqaaday in kooxda laga saari doono dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here