MUQDISHO — Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Mareykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo ka dhacay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.
Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday warshad ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay soo saarista iyo diyaarinta walxaha qarxa. Warshaddan, oo ahayd tan ugu weyn ee kooxdaasi ku lahayd deegaanka, ayaa gebi ahaanba la burburiyay.
Sida lagu sheegay war rasmi ah, duqaynta lagu fuliyay howlgalka ayaa lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen shaqsiyaad farsamo ahaan ugu takhasusay samaynta qaraxyada, isla markaana door ka qaatay dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ah in la sii xoojiyo howlgalada ka dhanka ah argagixisada, lana laba jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo badbaadada iyo amniga shacabka.
Howlgalladan is-daba joogga ah ayaa muujinaya wada-shaqayn dhow oo u dhaxaysa Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya ciribtirka cadawga nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.





